Wafdi heer sare ah oo ka socda maamulka gobolka Shabeellaha Hoose iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Baraawe, oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay:
• Guddoomiye Ku-xigeenka Siyaasadda Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Abukar Abdalla Bashiir,
• Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga, Mudane Isse Mohamed Abdi,
• Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed.
Sidoo kale waxaa wafdiga qeyb ka ahaa:
• Guddoomiyaha Degmada Afgooye ahna Duqa Magaalada, Mudane Suldaan Abdullahi Mohamed Osman (Hiraabe),
• Guddoomiyaha Degmada Waajid,
• Iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan heer degmo iyo wasaarado dowladeed.
Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe. Soo dhoweynta waxaa ka qeyb qaatay:
• Duqa Caasimadda Baraawe,
• Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka,
• Iyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Ujeedada safarka ayaa la xiriirta dardargelinta howlaha maamulka, horumarinta xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya heerarka maamulka deegaanka, iyo qiimeynta xaaladda guud ee magaalada Baraawe, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, iyo maamulka dowladnimo.
Mas’uuliyiinta ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka degmada, ciidamada ammaanka, iyo hay’adaha samafalka si loo mideeyo qorshayaasha horumarinta iyo xoojinta nabadgelyada.