Wadanka Ireland oo lagu xiray mas’uul katirsan dowladda Soomaaliya

0
18

Sida uu qoray  Wargeyska The Times, dawladda Ireland ayaa xabsiga u taxaabtay Sarkaal sare oo ka tirsan Diblumaasiyiinta dawladda Soomaaliya kaas oo la qabtay isaga oo dumar u tahriibinaya waddanka Ireland.

Masuulkan oo aan magaciisa aan la shaacin ayaa la sheegay in uu fadhigiisu ahaa waddanka Sucuudiga isaga oo ka shaqayn jirey shabakad tahriibin ah oo isku xidhnayd ilaa waddanka Ireland.

Bilihii September iyo November ee sannadkii 2024-kii ayaa la ogaaday in ay ahayd xilligii ugu badnaa in Sarkaalkani uu sameeyey tahriibinta dumarka uu geeyey dalka Ireland.

Ninkan ayaa lagu qabtay xilli uu ka degeyey garoonka magaalada caasimadda ah ee Dublin isaga oo haddana xabsiga ku jira.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here