Eng Mohamed Shalle waa hoggaamiye lagu yaqaan hufnaan iyo karti. Intii uu xilka hayey, wuxuu si hagar la’aan ah ugu shaqeeyay horumarinta deegaanka, gaar ahaan Gobolka Libaan. Duulaanka lagu hayo waa iskuday lagu wiiqayo dadaalkiisa, balse xaqiiqadu waxay tahay in DDS u baahan tahay hoggaan shaqeynaya, Shaalle-na waa mid kamid ah.
Gobolka Libaan wuxuu ka mid yahay meelaha uu si gaar ah wax uga qabtay Eng. Maxamed Shaalle. Wuxuu ka shaqeeyay horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta amniga, iyo isku xirka shacabka iyo dowladda. Wuxuu dhisay barnaamijyo lagu horumarinayo dhalinyarada iyo waxbarashada, taasoo muujinaysa inuu yahay hoggaamiye u taagan danaha shacabka.
Madaxda ay bulshadu kalsoonida siisay waa in lagu qiimeeyo waxqabadkooda, ee aan lagu beegsan dano gaar ah. Eng.
Maxamed Shaalle wuxuu u taagan yahay midnimo iyo horumar. Duulaanka lagu hayo waa mid dano gaar ah laga leeyahay, balse shacabka DDS, gaar ahaan kuwa Gobolka Libaan, waa in ay garab istaagaan hoggaamiye wax u qabtay dadkooda.
Eng. Maxamed Shaalle waa hoggaamiye karti leh oo si dhab ah uga shaqeeyay horumarka DDS, gaar ahaan Gobolka Libaan. Waxaa lama huraan ah in shacabka DDS garab istaagaan, oo ay ka dhiidhiyaan isku dayga lagu wiiqayo shaqsi daacad ah.
W/Q: Mahad Timo Weyne