Thursday, November 21, 2024
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYUkraine oo Ruushka ku ridday gantaallada Mareykanka

Ukraine oo Ruushka ku ridday gantaallada Mareykanka

Ukraine ayaa Talaadadi shalay marki ugu horreysay Ruushka ku ridday dhowr gantaal oo ah nuuca riddada dheer, kuwaas oo ka mid ah hubka culus ee uu Mareykanka geeyay Ukraine, iyadoo tallaabadaasi lagu beegay maalinti kunaad ee kasoo wareegatay billowga dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Adeegsiga gantaallada loo yaqaanno ATACMS, ayaa yimid xilli uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu si rasmi ah hoos ugu dhigay marinka isticmaalka hubka niyukleerka, taas oo albaabada u fureysa suurtagalnimada jawaab ay Moscow ka bixiso weerar kasta oo yimaada quwadaha ku hubeysan niyukleerka ee taageera Ukraine.

Sida laga soo xigtay sarkaal Maraykan ah, Ukraine ayaa ridday ilaa siddeed ka mid ah gantaallada, hase yeeshee gantaallada difaaca cirka Ruushka ayaa ka hortagay laba ka mida. Sarkaalku waxa uu sheegay in Maraykanku uu wali qiimaynayo khasaaraha dagaalka, balse waxa uu sheegay in gantaaladu ay ku dhaceen goob sahayda rasaasta ah oo ku taal Karachev, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 18,000 oo qof oo ku taal gobolka Bryansk ee Ruushka.

Adeegsiga gantaalladaasi ee Ukraine ayaa laga cabsi qabaa in ay sii huriso xiisadda u dhaxeysa Ruushka, iyo xulu.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments