Dowladda Ingiriiska ayaa si weyn u ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee caalamka guul ka gaaray hirgelinta nidaamka casriga ah ee raadraaca iyo maareynta rasaasta, loona yaqaan AmTag.
War rasmi ah oo ka soo baxay Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay ku faraxsan tahay inay taageero buuxda siisay mashruucan muhiimka ah, iyadoo guushan lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo xoojinaysa amniga Soomaaliya.
Qoraalka Safaaradda ayaa lagu yiri:
“Waxaan ku faraxsanahay inaan taageernay mashruuca maareynta rasaasta, waxaana bogaadinaynaa guusha laga gaaray qorshaha ay hoggaamineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.”
Nidaamka AmTag, oo ah hannaan lagu calaamadeeyo oo si dijitaal ah looga raadraaco rasaasta, ayaa si rasmi ah uga shaqeynaya gudaha Soomaaliya. Ujeeddadiisa ugu weyn waa in la ilaaliyo ammaanka shacabka, looga hortago in rasaasta iyo hubka ay si sahlan ugu dhacaan gacmo khaldan, isla markaana loo suurtageliyo hay’adaha amniga inay si sax ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqa rasaasta.
Muhiimadda Nidaamka AmTag:
• Raadraaca rasaasta laga bilaabo keenista ilaa isticmaalka.
• Ka hortagga in rasaastu ku dhacdo gacmo aan sharciyeysnayn.
• Kor u qaadidda kalsoonida beesha caalamka ee la xiriirta maareynta hubka Soomaaliya.
• Xoojinta qorshaha dowlad-dhiska iyo amniga gudaha.
Guushan ayaa ka tarjumeysa dadaalka joogtada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ku bixinayaan sidii loo heli lahaa dal nabdoon, xasilloon, oo ka madax bannaan hubka sharci darrada ah.