Turkiga ayaa taacsi u dirtay Bosnia iyo Herzegovina jimcihii ka dib daadad ba’an iyo dhul go’ay oo galaaftay nolosha ugu yaraan 17, taasoo gargaar bini’aadannimo u fidisay waddanka Galbeedka Balkanka.
Wasaaradda aya shegte inu durbaba socda dadaallo lagu qiimeynayo baahiyaha iyo gaarsiinta gargaarka iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah.
Gelinkii dambe ee Jimcihii, Bisha Cas ee Turkiga ayaa soo saartay farriin midnimo. “Turkiga waxay u taagan tahay midnimodu Bosnia, Kooxdayadu waxay ku sugan yihiin dhulka Bosnia iyo Herzegovina, iyagoo si dhow ula shaqeynaya Ururka Laanqeyrta Cas ee Bosnia iyo Herzegovina si ay cunto degdeg ah iyo biyo nadiif ah u siiyaan dadka ay saameeyeen daadadka masiibada ah,”
Daadad iyo dhul go’, oo ay dhaliyeen roobab xooggan oo socda, ayaa burbur xooggan ka geystay guud ahaan Bosnia iyo Herzegovina, iyadoo maamulka maxalliga ah ay xaqiijiyeen ugu yaraan 17 dhimasho ah.