Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYTrump oo qorsheeynaya in Soomaaliya iyo Morocco u qeybiyo shacabka laga barakicinayo...

Trump oo qorsheeynaya in Soomaaliya iyo Morocco u qeybiyo shacabka laga barakicinayo Gaza

Warbixin uu baahiyay wargeysa Jerusalem Post soona xiganaya  Channel-ka N12, ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Trump, uu qorshenayo in dadka reer Gaza, ay suurtagal tahay in loo raro saddex goobood oo kala dalka Moroco, iyo maamulada Somaliland iyo Puntland oo kamid ah Soomaaliya.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in saddex goobood ay baahi weyn u qabaan taageerada ay ka helaan dowladda Mareykanka, si gaar ah Somaliland iyo Puntland oo raadinayaan aqoonsi madax-banaan oo calaami ah,  halka Moroco  ay ku jirto muran dhuleed oo la xiriira saxaraha Galbeed.

Qorshaha Trump ee la xiriira Barakicinta reer Gaza, ayaa ujeedadiisa tahay in ay xiriir diblumaasi yeeshaan Sacuudiga iyo Israa’iil .

Mar sii horeeysay Channel-ka N12, ayaa baahiyay in Trump, uu qorsheynayo in sidoo kale 100,000 oo Qaxooti Falastiiniyiin ah uu geeyo dalalka  Albania iyo Indonesia.

Warbixinta ayaa sheegtay in dalka Albania, inuu yahay dalka katirsan Yurub oo sabool ah una baahan shaqaale, balse waxaa arrintaasi gaashaanka u daruuray madaxweynaha dalka Albania, oo iska diiday inay qaabilaan qarxooti intaas dhan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments