Taliye ku-xigeenka Booliska oo Dalka Tunisa ugu qeyb galay shir muhiim ah

0
95

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullahi Maxamed Kaniif ayaa ka qeyb-galay Shirka 48-aad ee Booliiska dalalka Carabta.

Shirweynahaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Dalka Tuunis, iyadoo taliyaha sidoo kale kulan dooceedyo la qaadan doono taliyayaasha Booliiska dalalka Carabta ee shirkan goobjooga ka ah.

Inta shirka socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa wanaajinta xiriirka nabadgalyada dawladaha carbeed, si gaar ah waxaa laysku waydaarsanayaa xogta danbiyada, dhagridda hantida maaliyadeed iyo sidii loo ilaalin lahaa.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here