Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga oo ka hadlay dagaal ka dhan ah ‘AS’

0
54

Abaandulaha qeybta 43aad ee xoogga dalka Gashaanle Sare Abdirashiid Mohamed Osman ayaa ciidanka xoogga dalka kula hadlay Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo gaar ahaan Ururka 301aad, Guutadda 30aad ee qeybta 43aad.

Taliyaha ayaa ciidanka ku amaanay shaqada ay u haayaan shacabkooda soomaaliyeed waxa uuna xusay in maanta la taagan yahay waqtigii la gaba gabayn kooxda ‘AS’ ee ku dhuumaalaysanaya meelo kooban oo kamida Gobolka Gedo iyo dhamaan deegaanada Jubbaland.

Ujeedka la hadalka ciidamada ee taliyaha ayaa ah u kuurgalida xaalada ciidanka iyo dhiragelinta geesiyaasha xoogga dalka, sido kale taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda kula dardaarmay in shacabka deegaanka lala shaqeeyo oo laga difaco Khawaarijta.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here