Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa beeniyay in Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Ceel-baraf iyo deegaanada kala ah Cadleey iyo Mir-taqwa oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hir-shabeelle.
Taliyaha Guutada 14-ka October G/sare nuur Farey, oo la hadlay warbaahinta dowladd ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay tahay wararka lagu baahiyay baraha bulshada ee sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Ceel-baraf iyo deegaanada Mir-taqwa iyo Caadley.
Taliye Nuur Farey, ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku sugan yihiin deegaanada laisku yiraah afarta Tuulo, waxa uuna tilmaamay in Al-shabaab ay baraha bulshada ku baahiyeen sawirro laisku dhajiyay, oo ay ku doonayeen in ay dadka aan aqoonta badan u laheyn deegaanada shabeelaha dhexe ay ku cabsi geliyaan, balse taasi ay tahay mid wax ka jirin.
Sidoo kale Taliyaha oo sii hadlayay ayaa carabka ku dhuftay in meydadka Al-shabaab ay meel kasto daaadsan yihiin, ayna sii wadi doonaan ciidanka howlgalka dalka looga ciribtirayo kooxdah Al-shabab iyo Daacish oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Sikastaba labadii maalin ee lasoo dhaafay deegaano badan oo ku yaalla shabeelaha Dehxe waxaa ka dhacay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda, waxaana dagaaladaasi ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalka uu dhaxeeyay.