Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kormeer ku tagay deegaanka Waniile oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga Dalka ee howlgalka sifeynta kooxda ‘AS’ ka wada deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, isagoo kala hadlay dardar gelinta howlgallada iyo sidii cadowga looga xoreyn lahaa deegaanada faro ku tiriska ah ee ay ku dhuumaaleystaan.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamada uu saraakiisha la yeeshay kadib kormeeray fariisimaha Ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Waniile ee bariga gobolka Galgaduud, isagoo ku dhiirigeliyey howlgallada guuleystay ee Khawaarijta lagu naafeeyey ciidamadu ay fuliyeen maalmihii lasoo dhaafay.