Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kusoo dhaweeyay Guddiga Qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda Akadeemiyadda Jenaraal Kaahiye

0
36

Muqdisho, Juun 28, 2025 – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cumaan Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Akadeemiyadda Jenaraal Kaahiye Guddiga Qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda, kuwaas oo u kuurgalaya diyaar garowga Ciidanka Booliiska ee munaasabadaha Todobaadka Xorriyadda.

Munaasabaddan soo dhaweynta ah ayaa ka dhacday xarunta Akadeemiyadda Jenaraal Kaahiye, iyadoo halkaas ay ku diyaarsanaayeen cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadan doona xuska iyo dabaaldegga Todobaadka Xorriyadda, kaas oo si weyn looga xusayo guud ahaan dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa sheegay in Booliisku diyaar u yahay in ay door muuqda ka qaataan munaasabadaha maalmaha xorriyadda, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xasuusto halgankii loogu soo halgamay gobonnimada iyo midnimada dalka.

Guddiga Qaban-qaabada ayaa dhankooda uga mahadceliyay Taliyaha iyo Ciidanka Booliiska sida hagar la’aanta ah ee ay ugu diyaargaroobeen ka qeybqaadashada munaasabadaha qaran, waxayna muujiyeen in Booliisku yahay tiir muhiim ah oo amniga iyo sharafta qaranka difaaca u taagan.

Maalmaha Xorriyadda ee la xusayo ayaa ah kuwa xusuus iyo qiimeyn gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, iyadoo 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ay yihiin maalmo taariikhi ah oo lagu xasuusto xornimadii gobollada Waqooyi iyo mideyntii gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here