Marka aan dib u eegno taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaa xusuus mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa mucaarad xooggan oo ka soo horjeeday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Sheekh waxa uu marar badan dhaliilay maamulka Farmaajo, isagoo si weyn u cambaareyn jiray siyaasadihiisa, gaar ahaan kuwa ku saabsan xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, oo uu ku tilmaamay kuwo aan la isku waafaqsaneyn.
Markii uu Xasan Sheekh noqday madaxweyne mar labaad, dad badan waxay filayeen in isbeddel muuqda lagu sameyn doono xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada sida Jubaland, maadaama uu hore ugu muujiye in uu doonayo in federaalka uu noqdo mid ku dhisan wada shaqeyn iyo is-afgarad.
Si kastaba ha ahaatee, maanta xaaladda waxay tahay mid cakiran, iyadoo Jubaland ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda dhexe ee Xasan Sheekh. Tani waxay ka tarjumeysaa kala fogaasho weyn oo wali ka dhex taagan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, xitaa iyadoo Xasan Sheekh hore ugu ololeyn jiray iskaashi iyo midnimo. Tani waxay muujinaysaa in caqabadda siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay mid qoto dheer oo u baahan xal waara, halkii laga sugi lahaa in hogaaminta cusub ay xaliso dhammaan khilaafaadkii hore.
Waxaa lagama maarmaan ah in dhinacyada oo dhan ay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka, si ay u gaaraan heshiis siyaasadeed oo dhab ah, maxaa yeelay khilaafka noocan oo kale ah wuxuu halis ku yahay horumarka, nabadda, iyo midnimada dalka oo dhan.
W/QÂ Mahad Timo Weyne