Soomaaliya oo Ku Biirtay Dalalka Afrikaanka Xeebaha Leh ee Heshiiska Dhaqaale La Saxiixday Turkiga

0
75

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay dalalka Afrikaanka ah ee xeebaha leh ee la saxiixday heshiis dhaqaale oo istiraatiiji ah oo lala galay Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo diiradda saaraya iskaashi ballaaran oo dhanka gaadiidka badda, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), isagoo sheegay in ujeeddadu tahay:

• Xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca gaadiidka badda

• Kor u qaadista isku xirka ganacsiga

• Kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo dhoofka

• Dhiirrigelinta dhaqaalaha guud ahaan gobolka Geeska Afrika

Wasiir Jaamac ayaa sheegay:

“Heshiiskan wuxuu fursad u yahay Soomaaliya in ay ka faa’iideysato dekedaha istiraatiijiga ah iyo khibradda Turkiga, taasoo sare u qaadi doonta ganacsiga iyo shaqo abuurka dalka.”

Turkiga oo xiriir dhow la leh Soomaaliya tan iyo 2011, ayaa sii xoojinaya saameyntiisa gobolka iyadoo heshiiskan cusub uu qayb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo lagu horumarinayo ganacsiga badda iyo dhaqaalaha dalalka saxiixay.

Heshiiskan ayaa sidoo kale lagu xusay in uu furayo waddooyin cusub oo maalgeshi iyo iskaashi farsamo ah, gaar ahaan dhanka dekedaha, adeegyada maraakiibta, iyo ganacsiga badda ee gobolka.

RNN Somali TV

📡 www.rnnsomalitv.com

📧 rnnsomalitv@gmail.com

📞 +252 611 222 246

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here