Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ku gaaray magaalada Addis ababa

0
79

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa soo saaray warmurtiyeed wadajir ah oo ay sare uga qaadayaan xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sare u qaadista sida loo xalin Karo caqabadaha ka jira gobolka.

Kulanka ay labada hoggaamiye yeesheen waxa ay uga wada hadleen arrimo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.

Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa adkeeyay in xasilloonida gobalka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud.

Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa  waxay labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka.

Dhinaca kale, Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal.

Ugu danbayn, waxa ay madaxdu adkeeyeen sida ay uga go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here