SIYAASIYIINTA MUCAARADKA OO SHIR XASAASI AH KU LEH MUQDISHO

0
25
{"data":{},"pictureId":"117D73B4-ADB1-4F1B-A099-4DDBBEEEBB97","source_type":"vicut","tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"capability_name":"retouch_edit_tool","picture_template_id":"","source_type":"vicut","client_key":"aw889s25wozf8s7e"}","exportType":"image_export","editType":"image_edit"}

Waxaa magaalada Muqdisho si xowli ah uga socda shir xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ka walaacsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka dowlad-goboleedyada.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in siyaasiyiinta mucaaradka ay ka doodayaan dhowr qodob oo muhiim ah, oo ay kamid yihiin:

• Qorshaha Villa Somalia ee lagu wado in lagu dhammeystiro hanaanka doorashada ka hor 2026

• Xiriirrada hoose ee dhowaan dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland

• Cabashooyin la xiriira saxaafadda xorta ah iyo cadaadiska lagu hayo mucaaradka

• Arrimo ku saabsan qaybsiga awoodda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada

Dadka arrimaha la socdo ayaa sheegaya in mucaaradku ay ka walaacsan yihiin isfaham qarsoodi ah oo laga dhex dareemayo xiriirka Villa Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada qaarkood, taasoo laga yaabo inay saameyn ku yeelato is dhexgalka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay RNN Somali TV ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay si rasmi ah ula kulmaan madaxda Puntland iyo Jubbaland, si ay u helaan xog rasmi ah oo ku saabsan wadahadalladii dhawaan dhacay.

Shirkan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo jahawareer siyaasadeed, waxaana la filayaa in war-saxaafadeed rasmi ah laga soo saaro maalmaha soo socda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here