Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah golaha wasiirrada Puntland, Ayaa looga hadlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ka socda.
Waxaana tallabadaasi boogadiyay saiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, isaga oo sheegay in UK ay garab taagan tahay dagaalka ay kula jirto Puntland kooxda Daacish.
Sidoo kale safiirka ayaa ka dhawaajiyay in UK in ay xoojineyso Iskaashiga kala dhaxeeya maamulka Puntland, ayna kor u qaadeyso mashaariicda horumarineed ee Uk ka fuliso Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.