Friday, November 22, 2024
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYSiciid Deni oo daah-furka qorshaha horumarinta Dowlad goboleedka Puntland

Siciid Deni oo daah-furka qorshaha horumarinta Dowlad goboleedka Puntland

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay daah-furka qorshaha horumarinta Dowladda Puntland ee 5-sano oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay waxyaabihii ka qabsoomay qorshihii horumarinta Dowladda Puntland ee 5-tii sano ee lasoo dhaafay iyo qorshaha 5-ta sano ee soo socota oo ay si farshaxameysan usoo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta.

“Marka la fiiriyo warbixinta lasoo bandhigay meelaha guulaha laga gaaray waa meelaha Dowladdu sida tooska ah u maal geliso sida Amniga, Dimuqraadiyada iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.

Dimuqraadiyada wixii ku baxay dowladdaa 80% bixisay, Waxbarashada kharashka ku baxa Dowladda iyo Shacabka ayaa 80% bixiya, iyaga dhismayaal iyo waxyaabo kooban waa jiraa oo nalaga taageero.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Qorshaha Dowladda Puntland ee 5-sano ee soo socota iyadoo la hirgelinayo horumarka la hiigsanayo, hadana waxaa qeyb ka ah isku tashi iyo tashiilka maadaama Adduunku xiligan ay ka jirto xaalado saameeyay dhaqaalaha.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Golaha Xukuumadda, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hay’adaha Caalamiga ah, Ururada Bulshada, khuburo aqoon u leh qorsheynta, La-taliyeyaal iyo marti sharaf kale .

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments