Xili khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland, uu ahaa mid mudooyinkii ugu dambeeyay aan wanaagsaneen,isla markaana taasi ay sababtay in madaxweynaha Maamulka Puntland,uusan kasoo qeyb galin shirar badan oo looga hadlayay masiirka dalka kaasi oo ay qabatay dowladda federaalka, ayaa markii ugu horeeysay waxa uu ka hadlay sida lagu xalin karo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.
Kulan xalay ay soo agaasintay madaxtooyada Puntland,isla markaana ahaa mid casho sharaf loogu sameynayay madax ka socotay hay’adda PDRC, iyo marti sharaf kale, ayaa madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay munaasabada, waxa uu ka dhawaajiyay in puntland ay diyaar u tahay in wada-hadal la gasho Dowladda Federaalka Soomaaliya,si loo xaliyo khilaaf u dhaxeeya.
Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa carabka ku dhuftay in Puntalnd ay dooneyso in meel banaan ah ay ku wada-hadlaan dowladda dhexe,balse aysan rabin in si hoose loo hadlo,taasi uu kala jeediyay in qorshaha puntland uu yahay in xal walbo ay diyaar u tahay, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Siciid Deni, waxa uu sheegay in Puntland iyo dowladda dhexe,waxyaabaha ay isku hayaan in ay tahay sharciga iyo arrimaha dastuurka dalka,balse aysan isku heynin sida dadka u yaqaanaan siyaasadda.