Shirkii Laascaanood oo Hakad Galay Iyadoo Xiisad Siyaasadeed Korodhay

0
148

Saaka ayaa la filayey in magaalada Laascaanood uu ka furmo shir ballaaran oo lagu dhamaystirayo maamulka SSC-Khaatumo, balse shirkii ayaa hakad galay iyadoo goobta shirka lagu arkayo ciidamo fara badan oo sugaya amniga, taasoo muujinaysa heerka xiisadda siyaasadeed ee halkaasi ka taagan.

Waxaa jira guux xooggan iyo dareen diidmo ah oo ku aaddan sida shirkan loo abaabulay iyo ujeeddooyinka siyaasadeed ee la rumeysan yahay inay gadaal ka riixayaan. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka leh iyo isimada dhaqanka ayaa durba muujiyey saluug iyo walaac ay ka qabaan faragelinta dowladda federaalka, iyagoo sheegay in aan si buuxda loo marin wadatashi dhab ah oo lala yeeshay bulshada deegaanka.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu eedeynayaa inuu dedejinayo qabashada shirka, iyada oo aan laga wadatashan dhammaan daneeyayaasha, taasoo abuuray dareen kala shaki ah iyo walaac ku saabsan hannaanka dhismaha maamulka.

Laascaanood oo muddooyinkii u dambeeyey ahayd xarunta iska caabinta iyo midnimada shacabka SSC ayaa hadda u muuqata inay gashay xaalad khilaaf siyaasadeed oo cusub, iyadoo la is weydiinayo halka ay ku dambeyn doonaan shirkan iyo saamaynta uu ku yeelan karo xasiloonida gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in dadaallo ay socdaan si loo xalliyo khilaafaadka jira, loona helo wadatashi lagu mideysan yahay si loo gaaro xal waara oo la isku raacsan yahay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here