Shirka watashiga qaran oo fashilmay iyo Axmed Madoobe oo ku laabtay kismaayo +XOG

0
48

Waxaa saakay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ka dhoofay Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaasi oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland.

Labashada Axmed Madoobe, ayaa ka timid ka gadaal markii uu gelinkii dambe ee shalay uu fashil kusoo dhamaaday shirkii madasha wadatashiga qaran, ee saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ayaa ilo wareedyo ka agdhaw villa Somalia, waxa ay inoo shegeen in qodobo qaar oo ay mid yihiin doorashada la aadayo laisku mari waayay, taasi oo Axmed Madoobe qodobada qaar ay soo jeediyeen Madaxweynaha iyo Maamulada taabacsan uu kasoo horjeestay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu diiday in dalka uu aado doorasho qof iyo cod, balse waxa u sheegay in doorashada dad-ban dalka uu galo,isla markaana madasha shirka lagu soo daro Maamulada Puntland, iyo Jubbaland, lana gaari karin go,aano iyaga oo madasha ka maqan.

Sikastaba lama oga tallaabada uu qaadi doono Madaxweyne Xasan Sheekh, iyo qorshihiisa ku aadan doorashada dalka

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here