Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYShir looga hadlayay sidii aqoonsi heer qaran loo siina lahaa Qaxootiga oo...

Shir looga hadlayay sidii aqoonsi heer qaran loo siina lahaa Qaxootiga oo ka furmay Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Axmed Xuseen Cilmi, oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlay sidii aqoonsi heer qaran ah loo siin lahaa Qaxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Aqoonsigaas ayaa dadka qaxootiga ah ka caawi doona sidii dalkeena ay soo miciin badeen uga heli lahaayeen xuquuq aas-aasi ah, sida u fududeynta dhexgalka bulshada iyo ganacsiga.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka, kuwaas oo shirka ku biiriyay aragtiyo muhiiim ah.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments