Guddoomiyaha deegaanka Number 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa shaaciyay in ay diyaariyeen ciidan Macawiisleey ah oo Al-shabaab kula dagaalama deegaanada Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha deegaanka Number 50, ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, in ay bixiso mushaarka ama garaamka ay qaadanayaan ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha goobaha laga fuliyo howlgalka ee dhulka ah in ay u dhaxeeyaan Afgooye ilaa iyo Marka, iyada oo weliba lageeynayo dhinaca xeebta halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaal katirsan Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
“Dadka deegaanka gobolka Shabeellaaha Hoose, waxa ay si iskood ah ula dagaalamaan Khawaarijta, iyaga ayaana hubkooda soo iibsaday, waxa ayna qeyb ka ahayeen dagaalo badan oo ka dhacay gobolka” ayuu yiri guddoomiyaha Number 50.