Saturday, November 23, 2024
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYRW Xamsa oo sheegay in doorashada Jubbaland ay tahay mid sharci darro...

RW Xamsa oo sheegay in doorashada Jubbaland ay tahay mid sharci darro ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Hanaanka doorasho ee kasocdaa Jubbaland uu yahay mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin, wuxuuna ku eedeeyey hoggaamiyaha Jubbaland in uu fulinayo dan aan aheyn tii Soomaaliyeed, oo uu ka baxay dhammaan heshiisyadii uu saxiixay, isagoo kusifeeyey is doorasho in aan la aqbali karin.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in hoggaamiyaha Jubbaland aysan u furneyn dib u tartanka madaxtinimada JL, oo uusan sharciyad haysan, xaqna u laheyn in uu doorasho maamulo, maadaama qodobka 70-aad ee dastuurka JL uu dhigayo in uusan 2 jeer ka badan xilka qaban karin.

“Axmed Madoobe mahaysto wax sharciyad ah iyo wax mandate oo uu ku maamulo doorashada Jubbaland, waa sharci darro, waxa ka dhashana waxaa sharci darro, Hal xaaraan ah ma dhasho nirig xalaal ah” ayuu yiri RW Xamse.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu yeeray ciidamada Jubbaland in aysan qeyb ka noqon arrimaha siyaasadda ee hadda taagan, wuxuuna uga digay dhinaca madaxweynaha Jubbaland in uu ciidamada u adeegsado arrimaha siyaasadda.

“Walaalkay waxaan ugu baaqayaa in uusan ciidamada u adeegsan arrimaha siyaasadda, waana dambi aan lays kaga hari doonin haddii uu qaado, waxayna keeni doontaa in ay ciidanka JL burburaan” ayuu yiri RW Xamse.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments