RW Xamsa oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ah kamid golaha wasiirada

0
83

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cismaan Axmed Macoow.

FB_IMG_1734874378398-300x294 RW Xamsa oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ah kamid golaha wasiirada FB_IMG_1734874381364-300x294 RW Xamsa oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ah kamid golaha wasiirada FB_IMG_1734874383747-300x294 RW Xamsa oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ah kamid golaha wasiirada FB_IMG_1734874385879-300x294 RW Xamsa oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ah kamid golaha wasiirada

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here