Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo Ka Hadlay Xiisadda Markabka Sea World

0
51

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaciyay inuu kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyadoo ay si gaar ah diiradda u saareen arrinta Markabka Sea World oo maalmahan xiisad ka abuuray Puntland.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Safiirka Turkiga uu si rasmi ah ugu wargeliyay in Markabka Sea World uu siday agab ciidan oo loogu talagalay xerada Turkisom, halkaas oo lagu tababaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore, Puntland ayaa la xiriirtay dowladda Turkiga si ay u ogaato faahfaahinta Markabka, balse arrintaasi wax isbeddel ah kuma keenin go’aanka rasmiga ah ee safaaradda Turkiga, maadaama markabku leeyahay ujeeddo ciidan oo sharci ah.

Cumar Cabdirashiid ayaa si cad u sheegay in Puntland aysan haysan awood sharci ah oo ay ku xanibto Markabka, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Maamulka Puntland ay ku waajib tahay inay sii daayaan markabka iyada oo aan dib u dhac dambe lagu sameyn, maadaama ay tahay arrin ku saleysan waajibaad qaran iyo heshiisyo dowladeed.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, taas oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato xiriirka iskaashi ee lala leeyahay dalalka saaxiibka ah ee ay kamid tahay Turkiga.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here