Saturday, November 23, 2024
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYRa’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay  in ay go’an tahay xoreynta, horumarinta iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay  in ay go’an tahay xoreynta, horumarinta iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

 

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa kulammo gaar ah la yeeshay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulammadan oo uu goobjoog ka ahaa  Madaxweynaha D/goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa qeyb ka ah socdaalka Raiisul Wasaaraha ee Baydhabo oo ujeedkiisu yahay xoojinga  nabadda, wadajirka Bulshada , iyo horumarinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyada kala duwan ee bulshada lagu dhiirrigelinayo in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda, iyo difaac qarannimada, si loo gaaro Soomaaliya nabaddoon oo horumarsan.

Raiisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey doorkooda naf-hurnimo ee dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay xoreynta, horumarinta iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments