Wednesday, March 19, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYQarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Wararar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Waaxda Gaheer ee degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Goob jogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa Miinada nooca meelaha foga laga hago, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac .

Qaraxaan ayaa si gaar ah waxaa la sheegay in lagu dhajiyay darbiga guri ku yaalla Isgooyska Ceelgaabta, waxaana xiliga uu qaraxa dhacayay wadada mararay gawaari siday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda furimaha dagaalka.

Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa sheegay in ilaa iyo 8 ruux oo ku dhaawacmay qaraxa ay geyeen isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Waxaana sidoo kale weli socda gurmadka loo sameynayo dadka uu ku dubay guriga qaraxa darbigiisa lagu dhajiyay.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments