Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Pakistan

0
90

Mas’uuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay bas arday siday.

Qaraxa ayaa ka dhacay gobolka Balochistan, halkaas oo uu baska ku sugnaa.

Booliska ayaa sheegay in ilaa afartan arday ay saarnaayeen gaariga markii uu qaraxu dhacay subaxnimadii Arbacada manta ah. Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay qaraxaas.

Gobolka Balochistan waxaa ka jira dhaqdhaqaaq gooni u goosad ah oo si joogto ah u bartilmaameedsada ciidamada ammaanka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here