Iyada oo shalay inta badan dalalka Islaamka iyo deegaanada Soomaalida si wadajir ah looga ciiday, ayaa maanta waxaa jira dad Soomaaliyeed oo ay u tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.
Magaalooyinka Saakay Salaada Ciida laga Oogay waxaa kamid ah, Muqdisho, Baladweyne, Caabduwaaq, Garoowe, waxeyna Shacabka Ciidayay ay shegeen inay maanta u tahay maalinta Koowaad ee Ciida Soonfureed.
Geesta kale magaalada Muqdisho, waxaa saakay Salaada Ciida shacabka fara badan la Tukaday guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Towfiiq Sheekh Shaakir iyo xertiisa Ahlu-sunna oo ay qeyb ka yihiin mas;uuliyiin horay uga tirsanaa maamulka Galmudug, oo ayagana ay maanta Ciidayay.
Sikastaba, Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka shacabkiisa ay isku khilaafaan dhalashada bilaha Soonka iyo Soon furka, iyada oo ay xusid mudan tahay in go’aanada ugu dambeeyo ay soo saarto dowladda fedeeralka Soomaaliya.