Puntland: “Waa xilligii dib-u-eegis degdeg ah lagu samayn lahaa cunaqabataynta hubka” – Wasiir Juxa

0
44

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa), ayaa si kulul uga hadlay xaaladda hubka dalka, gaar ahaan kadib markii Puntland ay gacanta ku dhigtay markab siday hub iyo gaadiid dagaal, oo lagu qabtay xeebaha gobolka Bari.

Wasiir Juxa oo ka hadlayay arrintan, ayaa yiri:

“Waa xilligii dib-u-eegis degdeg ah lagu samayn lahaa cunaqabataynta hubka, adduunkuna dhex u noqon lahaa dhinacyada is-diidan ee Soomaaliya.”

Hadalkan ayaa imaanaya xilli muran xooggan uu ka taagan yahay sida hubkaasi ku yimid, cidda leh, iyo sababta loogu waday gudaha Soomaaliya iyadoo aanay jirin wax oggolaansho rasmi ah oo la shaaciyay.

Juxa ayaa hoosta ka xarriiqay in xaalada noocan ah ay u baahan tahay in beesha caalamka ay si daacad ah uga dhex muuqato arrimaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, si looga hortago khilaafaad hubaysan iyo hub sharci darro ah oo gelaya dalka.

Wasiir Juxa ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay dib u eegaan cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran, si looga fogaado in hal dhinac uu helo hub, halka mid kalena laga mamnuuco, taasoo keeni karta xaalad amni darro ah oo hor leh.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa wararka la xiriira markabka hubka siday, hadallada mas’uuliyiinta, iyo tallaabooyinka ay qaadi doonaan hay’adaha amniga.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here