Sida ay heshay RNN Somali TV, Puntland ayaa xabsiga dhigtay Taliyihii Ciidanka PMPF ee degmada Caluula, Jaamac Kampala-yare, iyadoo sidoo kale Duqii degmada Bareeda iyo Taliyihii Booliska Gobolka Raas-Casayr loo gudbiyey Taliska Guud ee Ciidamada Badda ee Boosaaso si su’aalo looga weydiiyo arrinta la xiriirta hubka fudud ee laga soo dajiyey markabka SeaWorld, kaas oo shalay lagu qabtay xeebta Bareeda.
Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Dowladda Puntland (DPL) ayaa u sheegay RNN Somali TV in saraakiishan laga shaki qabo inay qayb ka ahaayeen ama si hoose ula socdeen dejinta hubka oo aan lagu wargelin hay’adaha ammaanka qaarkood. Hubka oo lagu sheegay mid fudud oo loogu talagalay dagaalka ciidan ayaa la sheegay in si qarsoodi ah looga dejiyey markabka, taasoo dhalisay tuhunka iyo falcelinta degdegga ah ee Puntland.
Markabka SeaWorld, oo la sheegay inuu ku sii jeeday caasimadda Muqdisho, ayaa wali ku sugan dekedda Boosaaso. Puntland oo keliya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in markabkaasi uu ku raran yahay hub iyo qalab ciidan, balse ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah oo ku saabsan halka uu hubku ka yimid iyo cidda loo waday.
Dhinaca kale, warar is khilaafsan ayaa hareeyay lahaanshaha hubka. Qaar ka mid ah ilo-diplomaasiyadeed iyo ganacsato gudaha ah ayaa sheegay in hubka uu lahaa dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan:
• Dowladda Federaalka Soomaaliya
• Dowladda Turkiga
• Ganacsato madax-bannaan
Si kastaba ha ahaatee, midkoodna ma uusan soo saarin bayaan rasmi ah oo caddeynaya sheegashadaas. Dowladda Federaalka iyo Dowladda Turkiga toona kama aysan hadlin dhacdadan si rasmi ah, taasoo sii kordhisay hubanti la’aanta iyo walwalka laga qabo ujeeddada dhabta ah ee markabka SeaWorld.
Puntland ayaa horey u sheegtay inay si buuxda u baarayso arrinta, iyadoo markabka iyo wixii saaranba laga ilaalinayo wax raad-raac ah inta baaritaanku socdo.
RNN Somali TV waxay si dhow u la socotaa baaritaanka socda iyo hadal kasta oo kasoo baxa dhinacyada kala duwan.