Puntland oo Sheegtay in Markabka SEA WORLD uu Xalaal u Yahay, DFS oo Digniin Culus Dirtay

0
32

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa galay marxalad adag kadib markii Wasiir u Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Cabdinuur uu si cad u sheegay in markabka SEA WORLD uu yahay “xalaal u ah Puntland,” taasoo si toos ah uga hor imaanaysa mowqifka ay DFS horey u caddeysay.

Hadalkan ayaa yimid saacado un kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay warsaxaafadeed rasmi ah, oo ay si kulul ugu cambaareysay afduubka iyo xadgudubka lagu sameeyay markabka SEA WORLD oo lagu joojiyay meel u dhow xeebaha Puntland, xilli uu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho.

DFS waxay sheegtay in markabku siday qalab ciidan oo sharci ah, loona waday Xarunta TÜRKSOM, iyadoo sidoo kale uu markabku watay badeecooyin ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed. Dowladda ayaa si adag u sheegtay in falkan uu yahay burcad-badeednimo caalami ah, isla markaana uu dhaawacayo madax-bannaanida qaranka, iyadoo Puntland loogu baaqay in ay joojiso falalka sharci darrada ah ee xeebaha laga wado.

Haddalka Wasiir Cabdifitaax Cabdinuur ee Puntland, oo sheegay in markabku uu xalaal u yahay maamulka Puntland, ayaa loo fasiray inuu yahay cadeyn rasmi ah oo Puntland ku difaaceyso afduubka markabka, taasoo cirka sii galisay xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee labada dhinac.

Dowladda Federaalka ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto “tallaabo amni oo sharci ah” haddii aan si degdeg ah loo sii deyn markabka, iyadoo sidoo kale sheegtay in la beegsan karo goobaha iyo dekedaha Puntland, haddii falalka loo arko kuwo khatar ku ah amniga qaranka.

Wararkii ugu dambeeyay waxay muujinayaan xaalad kacsan oo ka dhex taagan DFS iyo Puntland, iyadoo lagu wado in madaxda sare ee dowladda ay la tashi degdeg ah ka yeeshaan jawaabta rasmi ah ee tallaabada Puntland.

Mowqifka labada dhinac ee is khilaafsan wuxuu muujinayaa jahawareer amni iyo mid sharci oo laga yaabo inuu saameeyo xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafkan uu horseedo isku dhac siyaasadeed, amni iyo mid sharciyeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here