Wednesday, March 12, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYNISA oo sheegtay in kooxda 'AS' ay ku dishay Basro

NISA oo sheegtay in kooxda ‘AS’ ay ku dishay Basro

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay aagga deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda.

“Howlgalkan oo labo jeer oo kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta, waxa uu guuleystay in lagu soo afjaro nolosha 16 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad,” ayaa lagu yiri bayaanka NISA.

Sida ay hay’addu sheegtay, xubnahaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku go’doonsanaa dhul hawd ah oo ku dhow deegaanka Basro.

Intaa waxaa dheer, howlgalka ayaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen xubnaha la beegsaday, taasoo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda kooxaha Khawaarijta, ayey tiri hay’adda.

NISA ayaa xustay in wada-shaqeynta ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay sii socon doonto, iyagoo ku hanjabay in la beegsan doono goob kasta oo ay ku dhuumanayaan kooxaha argagixisada ah.

“Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, waxay sii wadi doonaan howlgallada lagu beegsanayo cadawga, si looga takhaluso khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka NISA.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay ka sii xoogeysanayey gobolka Shabeellaha Dhexe oo deris la ah Shabeellaha Hoose, halkaasi oo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen duullaan xooggan.

Dagaallo ciidamada dowladda, oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab ku dhex-maray Shabeellaha Dhexe, ayaa dhaliyey khasaare naf oo xooggan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments

class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | İstanbul Escort | İstanbul Escort | porn sub ita | canlitv.watch | |