Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xaqiijisay in howlgal qorsheysan oo goor dhow ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe lagu bartilmaameedsaday horjoogeyaal ka tirsan kooxda AS.
Qoraal kooban oo hay’addu ku daabacday barteeda X ayay ku sheegtay in howlgalkaasi uu si guul leh u dhacay, iyadoo aan faahfaahin dheeri ah lasoo bandhigin.
NISA waxay intaas ku dartay in goordhow la shaacin doono xogta rasmiga ah ee ku saabsan howlgalka, oo ay ku jiraan natiijooyinka faahfaahsan iyo cidda lagu beegsaday.
