Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ciidankeeda ay gacanta ku soo dhigeen labo eedeysane oo loo haysto in ay fuliyeen dil ka dhacay magaalada Muqdisho.
Eedeysaneyaasha oo lagu kala magacaabo Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali ayey NISA bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay ku eedeysan yihiin in ay fuliyeen dilka seddex muwaadin oo ganacsato ahaa kuwaas oo lagu dilay Degmada Daaru Salaam ee Gobolka Banaadir.
NISA ayaa intaas ku dartay in ciidankeeda ay ku raad joogaan eedeysane seddexaad oo baxsad ah, waxayna intaas ku dartay in ka go’an tahay ciribtirka Shabaabka beegsanaya dadka Shacabka ah.
Dhinaca kale, NISA ayaa qoraal ay shalay soo saartay ku sheegtay in, In ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay ciidankeeda habeenkii Isniinta ka sameeyeen deegaanka Dharaarweyn ee hoostaga magaaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
“Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay ilaa seddax gaari oo mid ka mid ah uu ahaa nooca loo yaqaan Cabdi Bile oo Khawaarijtu ay ku wateen hub iyo rasaas,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.