NISA oo hawlgal qorsheysan ku dishay Taliyayaasha Al Shabab ee Gobolka Hiiran.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen Isgoyska Gayacad oo u dhow degaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab, halka shan kalana dhaawacyo halis ah lagu gaarsiiyey.
Howlgalka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah, ayaa sida NISA sheegtay waxaa lagu beegsaday koox argagixiso ah oo laga soo abaabulay degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo doonayay in ay gurmad ahaan ugu gudbaan Khawaarij kale oo ku go’doonsan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.
Hay’adda Sirdoonka NISA ayaa sheegtay inkasta oo Kooxda Al-shabaab isku dayday in ay ku dhuumaaleysato dhulka hawdka ah, haddana seddaxda howlgal ee lagu bartilmaameedsaday ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, waxaana halkaas lagu dilay 15 xubnood oo Khawaarij ah halka ilaa shan kalana la xaqiijiyay in dhaawacyo halis ah ay gaareen. Hawlgalka ayaa wali socda iyada oo lagu lagu raad-joogo firxadka maleeshiyaadka baxsadka ka ah howlgallada dhacay.

