Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo lagu soo bandhigay Aalado casri ah oo ay hal abuureen dhallinyaro Soomaaliyeed, caqabadaha ku hor gudban dhallinyarada iyo fursadaha u baahan in looga faa’iideeyo.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay baadi goobka xaquuqda dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso, helidda xaqa Dastuuriga ah ee doorashada matalayaashooda siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.
Sikastaba Shirweynaha dhallinyarada oo maalmihii uu socday lagu soo bandhigay arrimo kala duwan,ayaa noqonaya mid ay si weyn ugu qeyb qateen dhallinyaro soomaaliyeed oo madasha keenay hal-abuur muhiim ah oo ay u riyaqayeen dadkii kasoo qeyb galay.