MW Xasan Sheekh oo qaabilay Ergeyga Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika +Sawirro

0
91

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Mudane Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha,siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagan Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsan tahay la falgalidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee amniga, la dagaallanka argagixisada iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka Gobolka.

 

470235269_1091616523004953_4727380080350772157_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395_tt6&_nc_cat=111&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=l7GAjFHeq1UQ7kNvgEwjRqD&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 MW Xasan Sheekh oo qaabilay Ergeyga Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika +Sawirro
470184291_1091616516338287_105636629537128860_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395_tt6&_nc_cat=103&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=51IkXLTPoZsQ7kNvgHeJUpu&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 MW Xasan Sheekh oo qaabilay Ergeyga Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika +Sawirro
470200148_1091616519671620_4701851005892554567_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395_tt6&_nc_cat=107&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=7u-qnSbqPgwQ7kNvgGJW2oC&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 MW Xasan Sheekh oo qaabilay Ergeyga Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika +Sawirro
470180614_1091616646338274_477344587698380244_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395_tt6&_nc_cat=111&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=Dvd_FxNmq60Q7kNvgFCEUJI&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 MW Xasan Sheekh oo qaabilay Ergeyga Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika +Sawirro
470236371_1091616636338275_7326121289729253313_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395_tt6&_nc_cat=104&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=ThGaMBVv2HAQ7kNvgFncKD_&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 MW Xasan Sheekh oo qaabilay Ergeyga Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika +Sawirro

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here