MW Xasan Sheekh oo imaaraatka ka codsaday in Itoobiya ka qabtaan

0
66

Madaxweyne Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa madaxda Imaaraatka Carabta kala hadlay culeyska uu Soomaaliya ku yahay Is Afgaradkii ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Abiy ka dhabeynayo oo uusan ogoleyn wada hadal heshiis lagu gaaro, Soomaaliyana ay u aragto duulaan caalami ah ficilada Itoobiya, UAE ayuu u bandhigay in dhexdhexaadin ay ka dhex samayso dhinacyada.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ka cawday taageerada Puntland iyo Jubbaland ay siiyaan Imaaraatka, wuxuuna sheegay in 2-duba mucaarad ku yihiin ajendaha DFS.

Dhinaca kale xalay, waxaa gaaray Addis Ababa Sheikh Khaled Bin Mohamed Bin Zayed Al Nahyan Dhaxalsugaha Imaaraatka, waxaa soo dhaweyey Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo haysta taageerada ugu balaarab Imaaraata Carabta ku haysto Geeska Afrika.

FB_IMG_1730783410433-300x298 MW Xasan Sheekh oo imaaraatka ka codsaday in Itoobiya ka qabtaan

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here