Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeARIMAHA BULSHADAmaxey tahay xarunta bangiga ee uu xariga ka jaray maanta Siciid Deni...

maxey tahay xarunta bangiga ee uu xariga ka jaray maanta Siciid Deni ?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bankiga Dowladda Puntland laanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey horumarka dhinac walbo uu ka sameynayo Bankiga Dowladda oo hadda la jaanqaadaya kuwa noociisa ah ee adduunka, wuxuuna xusay in arrimaha maaliyadda aan lagu eegan doonin xaaladda dalku ku jiro, Sidaasi darteedna ay socoto daraasada diyaarinta lacag u gaar ah Puntland.

“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowlad goboleedka Puntland, Masuuliyiinta Bangiga Dowladda, Lataliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments