Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay ilaa 300 oo shaqaale ah Waaxda Nadaafadda ee maamulka gobolka Banaadir.
Muungaab ayaa sheegay in shaqaalahaasi aysan noqon doonin kuwo keliya ka howlgala Iskoobe, balse la qorsheynayo in ay helaan baabuur waaweyn oo lagu shaqeeyo iyo xafiisyo rasmi ah oo ay si habsami leh ugu gutaan waajibaadkooda shaqo.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada nadaafadda ee caasimadda, iyada oo la doonayo in si wanaagsan loo daryeelo bilicda magaalada Muqdisho.