Muungaab oo Amar Ku Bixiyay Dardargelinta Diiwaangelinta Dadweynaha ee Doorashada Qof iyo Cod

0
127

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo ku amray inay si degdeg ah u dardargeliyaan diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka Qof iyo Cod.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee uu Guddoomiye Muungaab la yeesho madaxda degmooyinka tan iyo markii dib loogu magacaabay xilka. Wuxuu si cad u sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay tahay mid mudnaan gaar ah leh, maadaama uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, u igmaday mas’uuliyadda hirgelinta qorshaha doorashooyinka Qof iyo Cod ee caasimadda.

Guddoomiye Muungaab ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo dad isdiiwaangeliyay oo si xor ah codkooda u dhiiban kara, taasoo qeyb ka ah horumarka dimuqraadiyadda dalka iyo dhismaha dowlad hoose oo matasha rabitaanka shacabka.

Sidoo kale, wuxuu faray in guddoomiyeyaasha degmooyinku ay si dhow ula shaqeeyaan Guddiyada Doorashooyinka Heer Gobol iyo Degmo, ayna abuuraan wacyigelin ballaaran si bulshada ay u fahanto muhiimadda doorashada Qof iyo Cod.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here