Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYMustaf Dhuxulow " Ganacsatada Soomaaliyeed waxey ku safraan Baasaboor Kenyaan iyo Itoobiyaan"

Mustaf Dhuxulow ” Ganacsatada Soomaaliyeed waxey ku safraan Baasaboor Kenyaan iyo Itoobiyaan”

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya Mustaf Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku safraan Baasabooro dalal kale, taasina  ay tahay dhibaato weyn oo heysta Baasaboorkeenna.

Waxa uu tilmaamay in caqabadaha jira awgeed ee dhinaca helida Fiisaha ama dal ku galka ay sababtay in ganacsatada Soomaaliyeed ay qataan Baasaboorka dalal kale, halka dalalka siiyey Baasaboorkooda ay dhaqaalo badan ka sameyeen sida uu hadalka u dhigay Agaasime Mustaf Dhuxulow.

Sidoo kale Mustaf ayaa sheegay in hay’adda socdaaka ay ka shaqeyneyso sidii looga gudbi lahaa caqabadaha heysta ganacsatada Soomaaliyeed, isla markaana ay ugu safri lahayeen xiliyada ay dibadda wax kasoo iibasanayaan, si balaayinta dollar ee faai’dada ah dadka loogu maalgelin lahaa.

Waxa uu intaas ku daray hadalkiisa Mustaf Dhuxulow, in sababta ugu weyn ee kalsooni darrada Baasaboorka Soomaaliya ay sababtay in wax ka badalka xogta Baasaboorka markii hore ay fududeed, balse hadda la adkeeyey xog ka badal Baasaboorka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments