Waxaa wali jira hubanti la’aan ku saabsan suurtagalnimada gogosha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qorsheynayo in la dhigo 15-ka bishan Juun. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in aysan jirin heshiis buuxa oo laga gaaray habka iyo ujeeddada gogoshaas.
Saddex dhinac oo muhiim ah ayaan wali ku qanacsanayn sida uu Madaxweynaha u wajahayo arrinta:
1. Golaha Samatabixinta Qaranka, oo ah koox mucaarad ah oo dhowaan sameysay isbaheysi siyaasadeed oo miisaan leh,
2. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo aan wali si cad u muujin taageero ama ka qeybgalka gogosha,
3. Labada hoggaamiye maamul goboleed, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee Jubbaland iyo Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland, kuwaasoo horeyba u muujiyay dhaliilo iyo kala fogaansho siyaasadeed oo kala dhexeeya Villa Soomaaliya.
Gogosha 15-ka Juun ayaa loogu talagalay inay noqoto mid lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed iyo in dib loogu hagaajiyo hannaanka federaalka, hase yeeshee haddii aan la helin wadatashi dhab ah iyo heshiis siyaasadeed oo ballaaran, waxaa suurtagal ah in gogoshaasi ay dib u dhacdo ama noqoto mid aan miro dhalin.
RNN Somali TV ayaa si dhow ula socota xaaladda, waxaana idiin soo gudbin doonnaa wixii warar ah ee ku saabsan arrintan.
