
Muqdisho, May 10, 2025 – Roobabkii xooganaa ee xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay burbur baaxad leh iyo dhimasho dad rayid ah.
Wararka hordhaca ah ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 3 qof ay dhinteen, kuwaas oo ay ku jiraan laba carruur ah iyo haweeney waayeel ah. Waxaa laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimasho iyo midka hantiyadeed uu intaas ka badan karo, maadaama howlgallada gurmadka iyo baaritaanka ay weli socdaan.
Roobabka ayaa sababay burbur weyn oo soo gaaray laamiyada Muqdisho, waxaana wadooyin badan noqdeen kuwo aan la mari karin. Sidoo kale, guryo badan ayaa dumay ama biyuhu galeen, taasoo keentay in dad badan ay ku waayaan hoygoodii.
Khasaaraha hantiyadeed ayaa isugu jira burburka guryaha, hantida dadweynaha, iyo xaaladda wadooyinka oo si weyn loo saameeyay.
Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku sugan goobaha ay saameeyeen roobabka, iyagoo ku hawlan samatabixinta iyo caawinta dadka ay dhibaatadu soo gaartay.
RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa xaaladda, waxaana la filayaa in warbixinno dheeraad ah la helo marka ay hay’adaha gurmadka dhammeeyaan qiimeyntooda.
La soco wararkeena si aad ula socoto wixii kusoo kordha.