Mucaaradka Suuriya oo qabsaday magaaladii uu ka curtay kacdoonka Bishaar al-Assad

0
50

Xoogaga mucaaradka Suuriya oo labadii todobaad ee la soo dhaafay si xowli ah guulo ku gaarayay ayaa qabssaday magaalo kale oo muhiim ah taariikhna ku leh kacdoonka reer Suuriya.

Magaalada ay mucaaradku ka fara maroojiyeen ciidamada moraal la’aanta ah ee xukuumada sii liiceyso ee Bashar al-Assad ayaa ah Darcaa oo ah halkii uu ka bilowday kacdoonka ka dhanka ah dowlada Suuriya 15kii Maarso 2011kii halkaasoo ay ciidamada dowlada ku laayeen dibadbaxayaal dalbanayay xoriyad iyo isbedel.

Waxaa lagusoo waramayaa inay mucaaradku qabsadeen 90 boqolkiiba gobolka Darcaa oo ay magaalada Darcaana ku jirto taasoo muujineyso xawaaraha ay ku socdaan xoogaga mucaaradka oo horay u soo xaqiijiyau gacan ku haynta magaaloooyinka kala ah Aleppo/Xalab, Xama iyo Xumus.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here