Maxey yihiin guddiga ay golaha wasiirada u sameeyen mudda cusbooneysiinta ah ?

0
84

Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya Kulankoodi caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho, uuna shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, ayaa looga hadlay qodobo kala duwan.

Kulanka golaha wasiirada, ayaa cusboonaysiin loogu sameeyay muddada  xil-hayntooda  Guddiga maamulka hey’adda Naafada Qaranka, si ay usii  wadaan howlaha ay u idmanyihiin 4 sano ee soo socota.

Shirka golaha wasiirada ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay iyo istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan, iyadoo golaha lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka, kormeerka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee wasaaraddaha iyo  hey’adaha dalka iyo dhaqaalaha dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here