Saturday, February 22, 2025
spot_img
HomeARIMAHA BULSHADAMaxey kawada hadli doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Masar ?

Maxey kawada hadli doonaan wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Masar ?

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, ayaa wada hadallo rasmi ah kula leh Qaahira dhiggiisa dalka Masar Badar Cabdilati.

Wada hadalladan ayaa la sheegay in diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo xoogga la saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, siyaasadda, waxbarashada iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu madaxda Masar, kala hadli doonino qorshaha ciidamada Masar ay uga mid noqon lahayeen howlgalka cusub ee Soomaaliya.

Sikastaa, Soomaaliya iyo Masar, ayaa waxaa ka dhaxeeya cilaaqaadka soo jireenka ah oo ku saleysan iskaashi waxtar leh, kaas oo qayb ka qaadanaya horumarinta labada dal.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments