Maxey kawada hadleyn Taliyaha Asad Diyaano iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ?

0
72

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka, waxaa maanta kulan ku yeeshay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Asad Diyaano iyo guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo Sohdimadaha.

Kulaka ayaa waxaa looga hadlay Doorka Boliiska kaga aadan qabsoomidda Doorashada Qof iyo Cod iyo kaalinta nabad-galyada ee booliska Soomaaliya u sugayo doorashada.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa u diyaarsan sugidda amniga Doorashada waxayna awood buuxda u leeyihiin ilaalinta goobaha cod bixinta iyo habsami u socodka Doorashada dhawaan la rajeynayo in Dalka laga hirgeliyo.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here